Wasaarada duulista Somaliland oo Maanta sheegay inuu burburay Heshiiskii Maamulka Hawada

0
1177

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasaaradda duulista iyo gaadiidka Cirka ee Somaliland ayaa Sheegtay in shirka Socday Nayrobi oo lagaga Hadlayay maamulada Hawada Somalia oo ay ka oo qaybgaleen Somaliland & Somalia lagu kala dareeray ka dib markii heshiishkii xaga hawadda ee turkiga lagu gaadhay laga leexday.

“Shirkaas oo ku saabsanaa in Daneeyayaashu (Stakeholders) ay farsamo ahaan ka doodaan qaabkii iyo hanaankii hawada Dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray loo wada maamuli lahaa oo labada dhinac uga wada faa’iidaysan lahaayeen. Waxa shacbi waynaha Reer Somaliland ka dharagsan yahay gudo iyo dibabda in tiraba sadex jeer Soomaliya ogolaatay saxeexdayna in maamulka hawada Somaliland iyo Soomaliya la dajiyo caasimada Hargeysa iyada oo ay maamulayaan guddi isku dhaf ah, isla markaana tiraba dhawr jeer hayada ICAO ku cadaysay dhamaan Qiimaynadeedii in meesha ugu haboon ee la dagi karo tahay Hargeysa”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Duulista oo uu ku saxeexan yahay agaasimaha wasaaradaasi Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan, waxaanu sheegay in heshiishkaasi ay ka baxday Soomaaliya.

Waxaanu intaas ku daray “Waanu ka xunahay in dawladda Soomaalia ka baxday dhamaan heshiisyadaas oo dhan, iskana indha tirtay waaqaca iyo xaqiiqada hortooda taala iyada oo qol madaw hay’ada ICAO kula soo saxeexatay heshiis aanaan isku ogayn isla markaana kuwada socon awoodna ayna u lahayn fulintiisa. Waxaanu shacbiga reer Somaliland la socodsiinaynaa in shirkii farsamada ahaa na loo soo bandhigay document qaybo qoraal ah oo u xaglinaya dhinaca Soomaaliya, isla markaana aan ku dhisnayn wax tixgalin ahna siinayn dhamaan heshiisyadii ay wada galeen labada dhinac”.

Qoraalka wasaaradda Duulista ka soo baxay ayaa intaas ku sii daray “Anaguna ka wasaarad ahaan arintaas waanu diidnay anaga oo dhamaan ka qayb galayaashii shirka oo uu ka mid ahaa safiirka Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Soomaliya oo xubin sharafeed   ka ahaa shirka hortooda ka cadaynay mawqifka Somaliland ee ah in la tixgaliyo heshiisyadii hore isla markaana marnaba aan gorgortan la galin Karin xaqa ay Hargeisa u leedahay marti galinta maamulka hawada. Sidaas ayaanu shirkii ku burburay kagana soo baxnay ka dib markaanu wada tashi la yeelanay madaxdii naga saraysay”.

 

“Waxaanu dadka reer Somaliland ku calool adkaysiinaynaa inaynu dal ahaan awood dhaqaale iyo mid farsamaba u leenahay inaynu maamulano hawadeena arintaasina ay fududahay sidaynu imikaba u maamulano dhulkeena iyo badeena , laakin aynu tix galinay kana dhur sugaynay dhex dhexaadinta beesha caalamka oo doonaysay in aan hawada la siyaasadayn ee gudi farsamo oo isku dhaf ah inay maamusho, iyaguna ay dhex ka ahaan doonaan, arintaas oo gabi ahaanba meesha ka baxday.”ayuu ku soo xidhay war-saxaafadeedkiisa.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here