Yemen: Diyaaradaha Dagaalka Sucuudiga oo Duqeyn ku Dilay Dad Soomaali ah

0
1283

Cadan, (HargeisaPress) — Diyaaradaha dagaalka isbahaysiga Sucuudigu hoggaaminayo, ayaa la sheegay inay duqayn ku dileen dhowr qof Soomaali ah oo ku sugnaa magaalada Cadan ee dalka Yemen maalintii Axadda.

Gantaal ay rideen diyaaradaha dagaalka xulafada Sucuudi Carabiya ee duqaynta ka wada dalka Yemen, ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhacay guri ay deganaayeen dad Soomaali ah oo aad u badan, halkaasna ku dilay 6 qof, sida ay saxaafadda u sheegeen qaar ka mid ah dadka badbaaday duqayntaas.

Sidoo kale, waxa duqayntaas ku dhaawcmay tiro kale oo ka mid ah Soomaalida ku noolaa guriga gantaalku ku dhacay oo ku yaal magaalada Cadan oo sida la sheegay u dhow saldhig dagaalyahannada Xuutiyiinta Yemen halkaas ku leeyihiin.

“Gantaal ayaa ku dhacay guriga ay ku sugnaayeen dad Soomaalida ah, waxana meesha ku dhintay lix ka mid ah Soomaalidaas, tiro kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaadhay.” Sidaa waxa yidhi goob-jooge Soomaaliyeed oo ku sugan Cadan.

Dhinaca kale, muwaaddiniin tiro badan oo Soomaali ah ayaa weli ku xayiran magaalooyin kala duwan oo ku yaal dalka Yemen oo ay ka socdaan dagaallo iyo duqaymo dhinaca cirka ah oo isbahaysiga Sucuudigu la beegsadaan kooxda Xuutiyiinta ee gacanta ku haya dalkaas.

27-kii bishii April ee sannadkan 2015 ayey markii markii diyaaradaha dagaalka isbahaysiga Sucuudigu duqayn ku dileen  40 qof oo Somali ah oo sida la sheegay ku socday dhinaca magaalada Cadan oo ay doonayeen inay u sii dhaafaan Soomaaliya.

 


HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY