8 Arrimood oo Gen. Asad Cismaan Diyaano “kaga duwan yahay Murrashaxiinta Madaxweyne ee Puntland”

0
1550

Toban sannadood oo uu hogaaminayey Ciidanka Nabad-sugida iyo sirdoonka Puntland wuxuu isu sharaxay Madaxweyne..

Lix qodob oo aasaas u ahaa Khudbadiisii u horaysay oo ruxay quluubta Shacbiga Puntland..Akhri ama Daawo Khudbadiisii u horaysay ee uu ku shaaciyey Murrashaxnimada sababta ku keliftay?

Muxuu Wakhti kooban caan uga noqday baraha Bulshadu ku xidhiidho?

Wax badan ka ogow hirdanka Doorashada Puntland halka uu marayo…

Boosaaso, (HargeisaPress) –Dadka reer Puntland waxa ina horyaalla inaan kala doorano laba wado. Raacno wadadii hore iyo inaan raacno tan horumarka iyo badhaadhaha, inaan helno nabad iyo tan cabsida, inaan shaqaysano ama inaan dawarsano. Inaan difaacno dhulkeena iyo inaan ku noolaano ducfi iyo dulinimo. Inaan kala doorano wada guusha iyo ta guul-daradda..” sidaas waxa khudbad qulluubta Shacbiga Puntland degtay ku sheegay Taliyihii ugu sarreeyay ciidanka nabadsugidda iyo sirdoonka Puntland ee PSF,Jen. Asad Cismaan Cabdullaahi oo Magaalada Boosaaso  kaga dhawaaqay inuu yahay sharrax u taagan  xilka madaxweynaha Puntland, doorashada dhacaysa horraanta sannadka 2019.

Gen. Asad waxa uu sheegay inay murrashaxnimadiisa ku timi codsi uga yimi Shacbiga Puntland ee aanay rabitaan xaggiisa ah ku iman, waxaanu dadweynaha kala dooransiiyey dhowr arrimood oo ku saabsan xaalada iminka dalku ka jiro iyo waxa uu doonayo inuu ka bedelo “waxaan la dagaalami doonaa laba arrimood oo kala ah Musuqmaasuqa iyo Dhul-boobka iyo argagixisada iyo maamul-xumada” ayuu yidhi.

Munaasibada uu ku shaaciyay musharraxnimadiisa waxa ka qaybgalay Siyaasiyiin, Culumo’udiin, Ganacsato, Aqoonyahano, Abawaano, Haween, dhalinyaro  iyo qaybaha kala duwan ee bulshada  reer Puntland, kuwaasoo ka mabsuuday hadalkii u horeeyey ee uu ku shaaciyey murrashaxnimada.

“Waxaad ogtihiin in aanan ahayn qof jecel sawir iyo ha lagu sheego, ama u xiiqsan xil iyo jago raadin, oo runtii ah mid aan u arko amaano culays badan, xisaab adduun iyo mid aakhirona wadata. Ha yeeshee waxaan ka fursan waayay tixgalinta codsiga bulshadeenna sharafta leh, mar haddii ay kalsoonidaas iyo taageeradaas baaxadda leh ii muujiyeen; waxaana leeyahay codsigiinna waan aqbalnay, mahadsanidiin….. Guulaysta”.  ayuu yidhi.

“Haddii alle igu guuleeyo argagixiso heli mayso geed qariya ama god ay ku dhuumato; ganacsato caga juglayn iyo cabsigalin ay baad lacag kaga aruursadaana jiri mayso; taako Puntland dhulkeeda ah oo gacan cadow Somaali-diid ah ku sii jiri doontana ma jiri doonto, taasna waa sababta qaybta hore ee halku dhiggeenna uu u yahay (Difaac)”. ayuu ku daray hadal dheer oo uu ka jeediyey madal si weyn loo camiray.

Murrashaxa ayaa sheegay in Barmaamujka waxqabadkiisa uu ku dari doono arrimaha Haweenka, Maal-gashiga, Shaqo-abuurka iyo dib soo noolaynta ujeeddooyinkii Puntland loo aasaasay, waxaanu taageerayaasha dareensiiyey doorka ay Puntland ku leedahay dib-u-dhiska Dawladnimada Soomaaliya, isagoo tacsi iyo duco u diray geesiyaashii ka soo jeeday Puntland ee dib u  xasilinta dalka u shihiiday wakhtigii adkaa ee ay soo martay dhismaha Dawladda Soomaaliya.

“Haddii alle ii garto hoggaanka Puntland, talada dalka noqon mayso mid aniga oo madaxwayne ah iga billaabata iguna dhamaata, waxaan dhidibbada u adkayn doonnaa hay’adaha dowladda annagoo shaqadooda u fududayn doonna, hawl gudashadoodana u madax bannanayn doonno” ayuu sii yidhi Musharax Asad Cismaan Diyaano isagoo hadalkiisa sii wata. “Qorshayaashayda ku aadan xoojinta dowlad  wadaaga iyo garsoorka, waxa kale oo aan ka shaqayn doonaa arrimaha bulshada sida; caafimaad, waxbarashada, biyaha iyo korontada, sidoo kale waxaan shaqo abuur u samayn doonaa dhalinayrada, Qorshaha haweenka ayaa ka mid ah barnaamijkayga siyaasadeed” ayuu mar kale sheegay.

Halkan ka daawo Khudbadii uu ku shaaciyey murrashaxnimada:

Muxuu kaga duwan yahay Murrashaxiinta kale?

Ugu horayn waa Nin aad u da’ yar marka loo eego Murrashaxiinta iyo Madaxdii soo maray Maamulka Puntland, mana aha qof ka maqnaa u shaqaynta bulshada Puntland oo waa Sarkaal mansab sare ka qabtay Ciidamada amniga ee meel ay tamari dhigtaba shacbiga ilaalinaya Naftooda iyo meelkooda.

Waa Nin tobankii sannadood ee  u dambeeyey ka shaqaynayey howlaha nabad-gelyada, gaar ahaan Bukhaabaraadka oo si fiican uga dheregsan dhinac kasta oo ay Bulshada reer Puntland u nugul yihiin , haba ugu darnaato nabad-gelyada oo ah mida ugu muhiimsan ee sanadihii dambeeyey liig-liiganaysaye.

Sidaas darteed, haddii uu ku guulaysto iyo haddii aanu guulaysanba wuxuu ogyahay sida wax uga qaban karo, goorta uu wax ka qaban karo iyo dariiqyada uu u marayo, guud ahaan dhibaatooyinka dhanka nabad-gelyada iyo Dawladnimada ku gedaaman ee isa soo tarayey sanadhan dambe.

Geesta kale, da’diisa aadka u yar waxay dhiiri-gelin u tahay dhalinyarada Puntland oo aan inta badan fursad u helin ama aan haabkaba ku darsan ka qayb-galka hogaaminta dalka.

Waa Nin Aftan ah oo si kalsooni leh oo fudud u taxay boogaha Shacbiga damqanaya ee u baahan in la dhayo, mana ku dhisna hadalkiisu male awaal siyaasaddeed, sida lana dheehanayo khudbadiisii u horaysay.

Ugu dambeyn maaha Nin Ganacsade ah oo ay Hantidiisu tustay inuu isu taago kursiga ugu sareeya Puntland ama Nin dibada kala yimi aragtiyo shisheeye oo dabada ka riixaya sidii uu Kursiga u fuuli lahaa.

Dhamaan qodobadan oo kamida arrimaha uu kaga duwan yahay Murrashaxiinta kale ee ilaa hadda isu soo taagay madaxtinimada,waa kuwo aanu ka soo miin-guurinay arragtiyaha laga bixiyey murrashaxnimadiisa.

Muxuu u qabsaday Baraha Bulshada wakhti kooban

Nin cad oo aad u timo jillicsan, una muuqaal eeg mid kamida Jileyaasha caanka ah ee Hindiya u dhashay balse mar kale sawiran isagoo xidhan Direys ciidan oo ay ku tahay derejo Janaraal, ayaa si weyn uga dhex muuqday baraha bulshada, markii uu shaaciyey murrashaxnimadiisa.

Doodda ku saabsan sarkaal Ciidan oo madaxweyne isu sharaxay iyo mida ku saabsan muuqaalka aadka u cas ee cadaanka xigga ayaa kor u qaaday hadal-hayntiisa, waxaanu noqday qof durtadiiba saameyn badan ku yeeshay bulshada dhexdeeda.

Ugu dambeyn Murrashaxiin tiro badan oo uu kamid yahay madaxweyne Cabdwali Cali Gaas ayaa u tartamaya madaxtinimada Maamulka Puntland, waxaana magaalooyinka kala duwan oo ay ugu horayso Garoowe ka socda dhaqdhaqaaqyo siyaasaddeed oo aad u xoog badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here