Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo soo Gebo Gebaysay wajigii 2aad ee Diwaangelinta Dib u eegista Cabashooyinka Shaqaalaha dawladda

0
2124

Wajigii 2aad Ee Dib Eegista Cabashooyinka Diwaangelinta Shaqaalaha Dawladda Oo Soo Xidhmay, Xisaabiyaha Guud Ee Qaranka Oo 374 Shaqooyin Banaanaaday Loo Gudbiyey & Guddo. Sharmarke Geelle Oo Tafaasiil Ka Bixiyey

 

“Dhamaystirka Dib-U-Eegista Wajigii 2aad Ee Diiwaangelinta Shaqaalaaha Dawladda Somaliland ; Tiro Is-Diwaangelisay, Tiro Fasaxa Ay Ku Maqan Yihiin Lagu Qancay Iyo 374 Kaalmo Shaqo Oo La Joojiyey” Guddo. md Sharmarke Geelle

 

Hay’adda shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa dhamaystirtay dib u eegista wajigii 2aad ee diwaangelinta shaqaalaha dawladda oo lagu kala saarayey dadkii cabashooyinka soo gudbistay ee aan ku qancin diwaangelintii hore, kuwii ka habsaamay ee aan hore isku diwaangelin kuwii Deeq Barashooyin ku maqnaa  iyo waliba dadka dhintay iyo kuwa dhulyaalka ahaa ee xanuunsanaaya dhamaan qaybahaasi oo ka mida shaqaalaha dawladda ayaa la soo gebo gebeeyey dib u eegista diwaangelintoodii 2aad.

Guddoomiyaha Hay’dda shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa si rasmi ah u shaaciyey in hay’adda shaqaalaha dawladdu soo xidhay hawlgalkii wajigii 2aad ee diwaangelinta shaqaalihii dawladda ee cabashooyinka u soo gudbiyey in dib u eegis iyo hubin loogu sameeyo mar kale maadama oo aanay hore ugu qancin qaarkoodna deeqo waxbarasho kuwo dhulyaal ahaa iyo kuwo dhimasho ku timid intaba iskugu jireen, waxaanu guddoomiye Sharmarke  ku wareejiyey Xisaabiyaha guud ee qaranka Somaliland md Axmed Daa’uud Geedi 374 Kaalmo shaqooyin oo ay u aqoonsadeen inay ka soo bixi waayeen shuruudihii shaqaalenimo si Bayroolka dawladda looga saaro lacagtii ay qaranka ka qaadan jireen.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle waxa uu qoraalkiisa ku yidhi.

“Dhamaystirka dib-u-eegista Wajigii 2aad ee Diiwaangelinta Shaqaalaaha Dawladda Somaliland ; tiro is-diwaangelisay, tiro fasaxa ay ku maqan yihiin lagu qancay iyo 374 kaalmo shaqo oo la joojiyey”

– Iyada oo Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu mudooyinkii u dambeeyey fursad siiyeen dib-u-eegista tiro badan oo sababo kala duwan kaga baaqday wajigii koobaad ee diiwaangelinta Shaqaalaha Dawladda JSL, ayaa waxaa si dhamaystiran u soo xidhmay wajigaa labaad.

– Haddaba, tiradaa wajigaa 1aad ka maqnayd diiwaan-gelinta ayaa ka sakow intii laga joojiyey kaalmaha shaqo waxa ay isugu jireen; Dhimasho, xanuun, fasax waxbarasho , dhul-yaal , habsan iyo tiro u baahnayd in dood ay qabeen la siiyo fursad dib loogu dhagaysto.

– Ugu dambayn, markii dib-u-eegis lagu sameeyey, ka sakow inta is-diiwaangelisay ama sabaabta ay ku maqan yihiin lagu qancay waxaa buuxin kari waayey shuruudihii loogu aqoonsan lahaa in ay waxbarasho ku maqan yihiin, caafimaad ama ay ahayeen habsan tiro dhan 374 qof halkaas oo aanu xisaabiyaha guud ee qaranka ku wareejinay si uu u hakiyo kaalmahaa shaqo.

– Waxa kale oo la soo saaray liiska dhimashada oo wajigan labaad iyo kii hore marka la isku daro dhan 200 qof “Kuwaas oo weli magacdoodu ku jiraan liiska mushahar bixinta” halkaas oo siyaasad iyo qorshe kadib loo diyaarin doono hannaan iyo hab wanaagsan oo qoysaskii ay kasoo jeedeen loogu diyaarinayo xuquuq intii ay qaranka u soo shaqaynayeen.

-Waxa halkaa si wanaagsan ugu soo dhamaaday diiwaan-gelintii shaqaalaha dawladda oo wajiyadii ay lahayd oo dhan u soo dhamaadeen si habaysan oo aan degdeg lahayn.

– Maalmaha soo socda waxaa soo baxaya qorshaha qaran ee buuxinta kaalmaha shaqo ee banaanaday iyo tirada darajooyinka ay kala ahayeen si loogu diyaariyo nidaam xulasho oo hufan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here