Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Oo Sharaxday Sahamin Shirkad Chiness Ahi Ka Wado Baki Oo Dad Ka Cawday

0
2257

Hargeysa , (HargeisaPress) — Wasaaradda Macdanta iyo tamarta Somaliland ayaa sharaxaad ka bixisay cabashooyin muddooyinkii u dambeeyay ka soo baxayay dadka degaanka Baki ee Gobolka Awdal,walaacaasi oo ku salaysan Sahamin dhanka Macdanta ah oo Shirkad Chiness ahi ka wado degaanka.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Macdanta iyo tamarta Siciid Axmed Jibriil, ayaa maanta Warbaahinta u sheegay in Sahaminta Macdantaasi ay wada hadal kala leeyihiin Shirkad Chiness ah, balse aanay wali wax hawl gal ah samayn islamarkaana laga taxadaray inay Saamayn degaan ku yeelato dhulka laga baadhayo Macdanta.
“Waxaanu halkan ku xaqiijinaynaaa oo aanu cadaynteeda bixinaynaa warar iyo baaqyo iyo shirar jaraa,id oo todobaadyada u danbeeyey ku soo noq noqonayey saxaafada qaranka kuwaas oo ka hadlaya meesha la yidhaa Siimoodi oo ka tirsan degmada Baki oo ay wasaarada la wado wada hadal shirkada Chinese ah oo doonaysa inay deegaankaas ka qodo nooc ka mid ah macdanta warshadaha loo isticmaalo oo la yidhaa Prelium, taas oo qolyo sheeganaya deegaanka oo intooda badani dagan magaalada Boorame ay ka waramayeen sun, xaaluf iyo isku dir dad iyo hawlo badan oo meesha ka jira, waxaanan doonayaa inaan ka waramo sida ay wax uga jiraan iyo talaabooyinka ay wasaaradu qaaday” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Macdanta iyo tamarta
“Shirkadan Chinese-ka ah waxa la yidhaa ARC (African Resource Company) mudo badan ayaanu dagaanaa wadanka, mudadaasna waxa uu ka shaqaynayey hawlo ganacsi oo u gaar ah iyo inuu dadkeena macdan qodayaasha ah ka iibsado waxyaalaha yar yar ee ay meelahaas ka qodaan dabadeedna uu dhoofiyo” ayuu yidhi Agaasimuhu isagoo intaas raaciyay Wasaaraddu kala hadashay inuu macdan baadhis sameeyo.
Agaasimuhu waxa uu sheegay in la sameeyay Qiimayn degaanka ah islamarkaana la ogaaday inaanay degaanka wax saamayn xun ah ku yeelanayn Macdanta la sahaminayo “Arinbaa jirta mar walba la soo qaadayo waana arinta in lagu burburiyo deegaanka marka la soo saaro dhagaxan Prelium-ka, taasna wasaaradu sinaba uma ogola heshiiskana way ku jirtaa, shirkadanu way ogolaatay inaanay ku burburin deegaanka marka la soo saarana isaga oo sidiisa ah ayaa laga dhoofinayaa wadanka, ma ogolaanayno hore-na umaanaan ogolayn in lagu dhex burburiyo wadanka gudihiisa.
Waxa kale oo aanaan ogolaanayn in godad laga sameeyo macdanta dabadeedna macdan qodayaashu ay galaan gododkaas oo ay ka qodaan balse waa in godadka macdanta laga qodayaa ka furnaadaan dusha, waxa kale oo aanan ogolaanayn in qof iska socdaa inuu goobaha macdanta tago isaga oo aan sidan qalabka ka ilaalinaya dhibaatada macdanta, wasaaradu waxay hore u qaaday imikana qaadaysaa wacyi gelin taas oo ka turjumaysa khayraadka in dadka loo sheego, dhibta uu keeni karo iyo sida looga faa,iidaysto, waxaanan dadka somaliland u sheegayaa inay iska ilaaliyaan afmiishaarka iyo cida sidan xun wax u sheegaysa” Ayuu yidhi Agaasimuhu

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here