3 Qarax Oo Maanta Gelinkii Danbe Muqdisho Ka Dhacay

0
819

Muqdisho (Hargeisa Press): In ka badan 2o qof ayaa ku geeriyooday tiro kaloo badana way ku dhaawacmeen saddex qarax oo maanta gelinkii danbe ka dhacay isgoyska KM4  ee magaaladda Muqdisho.

Qaraxa hore ayaa la sheegay in baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay  lagu dhuftay hudheelka Saxafi oo dhawr sano ka hor la weeraray.

Sidoo kale qaraxa labaad ayaa ka dhacay jidka u dhexeeya hudheelka Saxafi iyo xarunta hay’adda CID,  qaraxa saddexaad ayaa  ka dhacay  waddo yar oo marta dhabarka danbe ee hudheelka Saxafi.

Qaraxyadda ka dib waxaa agagaarka goobtaasi wax ka dhaceen laga maqlayay israsaasayn xoogan oo dhexmartay kooxo hubaysan iyo ciidamadda amaanka ee halkaas joogay.

Weeraradan waxaa sheegtay ururka Al-shaab oo gacanta ku haya degaamo ka tirsan koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya.

Ilaa hadda si cad looma oga tiradda dhimashadda iyo dhaawaca ka dhashay qaraxyadaas, iyadoo gaadiidka gurmadka deg-dega ah ay weli ku gudo jiraan daad-guraynta dhaawaca iyo dhimashadda.

Wararka qaraxyadaas la xidhiidha ayaa sheegaya in qaraxa saddexaad ay dhibaato ka soo gaadhay  baabuur ka mid ahaa gawaadhida Unbalance-ka oo halkaa u tegay si uu dhaawaca uga soo daad-gureeyo.

Geesta kale burbur fara badan ayaa qaraxyadaas ka soo gaadhay meherado ganacsi, gawaadhi hudheelka yaalay iyo dhismeyaasha ka ag dhawaa hudheelka Saxafi.

Iyadoo wakhtiga qarxyadu dhaceen oo ahayd salaadii casar ka dib  jidka KM4 uu yahay mid aad u mashquul badan.

Dhinaca kale inkastoo qaraxyo noocyo kala duwan leh ay  Muqdisho ka dhaceen xiliyo hore hadana waa markii u horaysay oo qarax saddex baabuur saarnaa lagu weeraro meel ka mid magaaladda Muqdisho.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here