25 Qof Oo Shil Baabuur Ku Galay Xaafada Kamid Ah Magaalada Hargeysa Iyo Khasaaraha Ka Dhashay + SAWIRRO

0
1058

Hargeysa, (HargeisaPress) —Gaadhi bas oo ka soo rakaabsaday isdaanka basaska ee xero-awr ee magaalada hargaysa ayaa markii uu marayay dalcadda sarre ee majidka Nuur  ee xaafadda xerro-awr ka soo taraaray isla markana qalimay.

Baskan ayaa siday dad gaadhaya 26 qof oo rakaaba waxaana markii uu dalcadda dib ugu soo noqday ay dadkii boobeen albaabka baska, halka qaar ka midi ay albaabka ka daateen.

Dhaawaca ayaa gaadhaya ilaa toboneeyo qof oo qaarkood ay xaaladoodu culustahay.

Dadka dhaawacmay ayaa loola soo cararay cisbitaalka magaalada hargaysa halkaas oo lagu dabiibayo.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY