Gudoomiyaha Maxakamadda Sare Ee Somaliland Oo Digniin U Diray Dadka Dhaliila Bahda Garsoorka

0
2263

Guddoomiyaha-Maxkamadda-sare-ee-somalilandHargeysa,(HargeisaPress) — Gudoomiyaha Maxakamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil, Ayaa Carrabka ku adkeeyay in Gasoorka Somaliland yahay mid madax banaan islamarkaana aan waaxyaha kale kala kulmin wax Faro galin ah. Waxa kale oo uu dadka dhaliisha u jeediya Garsoorka u soo jeediyay in lala xisaabtami doono. Gudoomiyaha oo ka hadlayay Kulan lagu soo gabagabaynayay Magaalada Hargeysa oo lagaga hadlayay Ku dhaqanka Xeerka Anshaxa Garsooreyaasha ayaa walaac ka muujiyay Eedaha Garsoorka loo jeedinayo ee dhinaca Bulshada iyo Warbaahinta. “Waxaan Dadweynaha Somaliland u sheegayaa in Garsoorka Somaliland yahay Garsoor isku Kalsoon.taasi oo aan uga jeedo inaanu ku niyad jabayn inta Xumaha ka shaqaysa ama waxa xun faafisa, Caddaaladda inaanu marnana ay tahay mid naga go’an anagoo dabakhayna Qawaaniinta dalka u yaala iyo Shareecada Islaamka” Ayuu yidhi Yuusuf Ismaaciil Gudoomiyaha Maxakamadda sare oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inaanay Xukumadda wax fara galin ahi kaga iman Garsoorka “ Qaranku saddex waaxood oo kala madax banaan buu yahay, waaxda Xeer dejinta, waaxda fulinta iyo waaxda Garsoorka. Waaxda Fulinta iyo Waaxda Xeer dejinta midna faro galin kama aragno ee yaanay Dadweynuhu fara galinin Waaxda Garsoorka” ayuu yidhi. Dhinaca kale waxa uu Dadka dhaliisha u jeediyay Bahda Garsoorka ugu hanjabay Gudoomiyaha Maxakamadda sare in lala xisaabtami doono “Waxaan leeyahay dadweynaha Meelahaa Warbaahinta kaga hadlaya ee waxay doonaan odhanaya, inuu la xisaabtan jiro Waddanka oo waxa la iskula xisaabtamayaa Sharci iyo Qaynuun uu yahay. Qof ka macsuun ahi ma jiro Macaa Saxaafaddaa I hor taagan ee I maqlaysa, waxaan leeyahay sida Qofka Afka laga caayaa dambi u yahay ayay Cayda Qalinka lagu qoraana dambi u tahay” ayuu yidhi Gudoomiyaha Maxakamadda sare. Bulshada Somaliland ayaa dhaliilsan Bahda Caddaaladda, iyagoo Xisbiyadda iyo dadka siyaasadda Xukumadda Kulmiye ka soo horjeedana ay sheegayaan inaanay waxba ka qaban Xukumaddu tabashada Dadweynaha ee Garsoorka. Xukumadda iyo bahda Garsoorka ayaa iyaguna ku celcelinaya inay wax badan ka qabteen dhinaca Caddaaladda. Hargeisa Press News Desk — Hargeysa hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here