Dalladda SONYO Oo Dooratay Guddoomiye Ku Xigeen Cusub

0
2198

Guddoomiye Ku Xigeen CusubHargeysa (HargeisaPress) — Maanta oo ay taariikhdu tahay August 13, 2014, Golaha Sare ee haya xilka hogaamineed ee Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO waxa ay doorteen Guddoomiye Ku Xigeen Cusub ka dib markii Guddoomiye Ku Xigeenkii hore ee Dalladdu iska casilay xilkaas. Golaha Sare ee Dallada SONYO waxa ay si aqlabiyad ah ugu doorteen Mudane Wacays Maxamed Axmed in uu maanta laga bilaabo ahaado Guddoomiye Ku Xigeenka Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO. Mudane Wacays Maxamed Axmed, Guddoomiye Ku Xigeenka Cusub ee Dalladu, waxa uu hore u ahaan jiray, Xog-hayaha Guud ee Golaha Sare ee Dallada, waxana jagadaasi kula tartamay Xildhibaan Cumar Cabdisamad Cumar oo isna ka tirsan Golaha Sare.

Guddoomiye Ku Xigeenka cusub, Mudane Wacays Maxamed Axmed waxa uu ku dhashay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Waxa uu waxbarashada hoose/dhexe ku qaatay isla magaalda Ceerigaabo. Waxbarashadiisii dugsiga sare iyo jaamacadeedna waxa uu ku qaatay magaalada Addis Ababa, ee dalka Ethiopia. Waxa uu haystaa shahaadada koowaad ee jaamacada, waxaanu ku takhasusay Culuumta technologiyada.

Xilka iyo masuuliyada Guddoomiye Ku Xigenimo ee Golaha Sare ee Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO, ayaa bannaannaatay ka dib markii Guddoomiye Ku Xigeenkii hore, Mudane Mustafe Maxamed Daahir iskii iskaga casilay xilkaas si uu ugu gacan-baxo xaqiijinta hankiisa ku aadan hogaaminta Dallada. Waa dhaqan masuuliyad iyo xilkasnimo. Waa dhaqan kale oo wanaagsan oo laga baranayo Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO.

Mudane Mustafe Maxamed Daahir, Guddoomiye Ku Xigeenkii hore ee Golaha Sare ee Dallada SONYO, waxa uu ahaa shakhsi ku sifoobay karti, aqoon iyo hufnaan shaqo. Waxa uu xilkaas Guddoomiye ku Xigeenimo soo hayey laga bilaabo bishii January 2013 ilaa maanta oo uu iskii iskaga casilay. Waxa uu u soo gutay xilkiisa si masuuliyad iyo xilkasnimo ku dheehan tahay. Waxa aanu u rajaynaynaa Gole ahaan guul iyo badhaadhe inta ka hadhay noloshiisa.

Golaha Sare ee Dallada SONYO waxa ay ugu ducaynayaan Guddoomiye Ku Xigeenka cusub, Mudane Wacays Maxamed Axmed, in Alle ku asturo masuuliyada iyo xilka cusub ee uu qaaday.

Allaa Mahad Leh.

Mubarak Ismail Taani,
Guddoomiyaha Dallada Ururada Dhallinyarada JSL ee Heer Qaran ee SONYO
Hargeisa, Somaliland.

LEAVE A REPLY