100-guurada Dhalashadii Nelson Mandela oo Laga Xusayo Koonfur Afrika

0
1198
Nelson Mandela

Cape Town (HargeisaPress/W.Wararka) — Xisbiga haya talada waddanka Koonfur Afrika ee ANC, ayaa isu diyaarinaya dabbaaldag ballaadhan oo lagu xusayo sannad-guuradii 100aad ka soo wareegtay markii u dhashay Madaxweynihii hore ee dalkaas Nelson Mandela oo geeriyooday 6 sannadood ka hor.

Nelsan Mandela ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyey madow ah oo dalkaas hoggaamiya, kadib 28 sannadood oo uu xabsi ku jiray

Hoggaamiyaha xisbiga ANC Mr. Cyril Ramaphosa ayaa khudbad ka jeedini doona fagaaraha xorriyadda ee magaalada Cape Town, halkaas oo Mandela uu khudbadiisii ugu horreysay ka jeediyey, kadib markii laga sii daayey xabsiga oo u ku xidhnaa siddeed iyo labaatan sanno.

Madaxweynaha haatan talada dalka haya ee Jacob Zuma, ayaa in muddo ah lagu eedaynayey fadeexado la xidhiidha musuqmaasuq iyo wax isdabamarin. Xisbiga ANC ayaa cadaadis culus ku saaraya madaxweynaha in uu xilka ka dego.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xisbiga ANC kadib kulan ay yeesheen lixda xubnood ee golaha sare horraantii bishan ayey ku sheegeen in kulankaas lagaga wadahadlay sidii Zuma uu xilka ugu wareejin lahaa Ramaphosa.

Hase ahaatee, wararka qaar ayaa sheegaya in haatan madaxweyne Jacob Zuma uu diyaar u yahay inuu dhagaysto baaqyada loo jeedinayo ee ah inuu xafiiska banneeyo; waa haddii la isla oggolaado shuruudaha uu doonayo.

Muddo toddobaad ku dhow ayaa la isku mari la’aa waxa laga yeelayo mustaqbalka siyaasadeed ee Madaxweyne Zuma oo hadda isu diyaarinaya inuu iscasilo.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here